War Deg Deg:-Gudoomiyayaasha KMG ah ee Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka oo La Shaaciyay

0

Cusmaan Cilmi Boqore oo ka mid ahaa Xildhibaanadii Gobolada Waqooyi ee dhowaan lagu doortay magaalada Muqdisho  ee Caasimada ayaa noqday Gudoomiyaha KMG  ah ee Golaha Shacabka  ee Baarlamaanka Federaalka Soomaliya  kadib markii uu Noqday ninka ugu da’da weyn ee Baarlamaanka Soomaliya, waxaana la sheegayaa inuu dhashay sanadkii 1939-kii.

Dhanka kale Maxamed Xuseen Ragge(Surwaal weyne)  oo lagu doortay Magaalada Jowhar ee Caasimada Hir-shabeelle oo kamid ah Xubnaha aqalka Sare  ayaa isna loo doortay in uu Noqdo Gudoomiyaha KMG ee Xubnaha aqalka Sare ee Baarlamanka Soomaliya kadib markii uu Noqday ninka ugu da’da weyn xubnaha aqalka Sare.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here