Jawaari :-“Wax La Yiraahdo Aqalka Hoose Ma Jiraan, Waa Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaliya”,

0

Gudoomiyihii Hore ee Baarlamanka Soomaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari sidoo kamid Xildhibaanada Cusub ee Golaha Shacabka oo maanta xilka Gudoomiyaha wareejiyay ayaa sheegay in aysan  jirin wax la yiraah Aqalka Hoose, isagoo caddeeyay in Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ay yihiin kuwa sharciga ah.

Mudane Maxamed Shiikh Cusmaan jawaari oo khudbad ka jeedinayay  Xarunta Akadeemiyada General Kaahiye ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo maanta lagu qabtay xafladda dhaarinta Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaliya iyo aqalka Sare ayaa sheegay in aysan jirin wax  la yiraaho aqalka Hoose.

“Wax la yiraahdo Aqalka Hoose ma jiraan, waa Golaha shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaliya , iyo Aqalka Sare, haloo sheego nimanka dhahaya Lower House”ayuu yiri Maxamed Shiikh Cusmaan jawaari Gudoomiyihii  Hore ee Baarlamanka Soomaliya.

Sidoo kale Gudoomiyihii Hore ee Baarlamanka Soomaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in dalka wixii xiligaan ka dambeeyo uu leeyahay baarlamaan Cusub oo noqonaya kii 10-aad ee Soomaliya yeelato, isagoo ka dalbaday in howsha ay kasii wadaan meeshii ay kaga tageen Baarlamkii 9-aad ee isaga uu hogaaminayay.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here