Dhageyso:- Maamulka Puntland “ Dilalki ka dhacay Boosaaso waxaa ka danbeeyay Ganacsato Kunool Magaalada Boosaaso”

0

Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo) Gudoomiyaha gobolka Bari  ayaa sheegay in magaalada Boosaaso lagu qabtay  ganacsato ku lug leh falalkii lagu dilay labo kamid masuuliyiinta Puntland oo kala ahaa agaasimihii madaxtooyada Boosaaso iyo taliye ku xigeenkii labaad ee ciidanka booliska Puntland.

 

Dhedo ayaa sheegay in tiro kamid ah ganacsatada magaalada Bosaso inay la shaqeynayaan dadka amaan darada geysta balse ay hayaan macluumaad ku saabsan halka ay degen yihiin, magacyadooda iyo goobahooda ganacsi

 

“Wax aanu qarinayno ma jirto, nin walba hortiina ayaan keenaynaa. Kuwo aad uhaystaan inay yihiin kuwo dadka ugu wanaagsan ayaa dadka dhiigooda ka macaashaya oo guryahooda ku qarsanaya argigixisada,” ayuu yiri gudoomiyaha gobolka Bari oo dhinaca kale ku dhaartay inay dhulka la simidoonaan gurigii lagu qabto qof argigixiso ah.

 

Gudoomiyaha gobolka Bari ayaa dhinaca kale sheegay in maanta laga bilaabo uusan jiridoonin qori aan loogu shaqeyn amniga oo lagu haysan karo magaalada Boosaaso, isagoo u sababeeyay dilalkii dhawaan ka dhacay magaalada inay ka dhaceen meelo ammaankooda la ilaaliyo sida Hotelo iyo xarumo ganacsi..

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here