Sawiro:- Cumar C/rashiid iyo Gaas oo Kulan gaar aha Muqdisho kula qaatay Xildhibaanada ka soo jeeda Puntland

0

Madaxweynaha  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo hawlo shaqo u jooga magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa xalay kulan caasho sharaf ah ugu sameeyey magaalada Muqdhiso Xildhibaanada  labada aqal ee Puntland u metelaya baarlamaanka Soomaaliya.

 

Madaxweynaha waxaa kulanka ku wehelinaayey Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, masuuliyiin ka mida goloyaasha Dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland iyo sidoo kale masuuliyin ka mida Dawlada fadaraalka.

 

Ugu horayn Madaxweynaha  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa cashada kadib la dar-daarmay xildhibaanada aqalka sare iyo kuwa golaha shacab ka ee Puntland u metelaya baarlamaanka Dawladda Fadaraalka Soomaaliya, waxaana uu ku booriyey  masuuliyada saaran iyo shaqooyinka baaxadaleh ee shacabkoodu ka sugayaan.

 

‘’waa xaqiiq waxa idin soo doortay shacabkinii waxaana ay idiin soo doorteen inaad ka shaqaysaan wax walba oo dan u ah horumarkooda, taana waxaad ku gaari kartaan idinkoo markasta xasuus naada masuuliyada iyo shaqada baaxada leh ee laydin ka sugayo, soomaaliya maanta waxay u baahan tahay wax sare uga qaada maanta halka ay joogto cida taa laga sugayaana waa idinka, Puntland feker kedii ahaa in maamul goboleed yada wax lagu soo doorto kumay khasaarin waayo maanta midhihii ka soo baxay waa idinka, waxan aamin sanahay inaad tihiin dad ka soo bixi kara masuliyada laydiin igmaday, waxaana idinkula dar-daarmayaa inaad markasta ka shaqaysaan masiirka ummadda Soomaliyeed,  waxaana ilalahay idiin waydiinayna inuu idin ku asturo masuuliyada laydiin igmaday’’ ayuu yidhi Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

 

Sidoo kale waxaa uu madaxweynu ku adkeeyey xildhibaanada inay markasta ka feejignaadaan wax kasta oo carqaladayn kara jiritaanka dawladd nimo Soomaliyeed, isla markaana ay ahaadaan kuwo ka shaqeeya maslaxadda guud ee dalka Soomaaliya iyo tan Puntland ee ku dhisan horumarka iyo Soomaali jecaylka.

 

Ugu dambayn, Ugu dambayn,Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxa uu  kula dar-daarmay xubnaha aqalka sare iyo kuwa golaha shacabka ee Puntland u metelaya baarlamaanka Soomaaliya in ay ahaadaan kuwo tusaale wanaagsan u noqda guud ahaan baarlamaanka Soomaaliya.

–DHAMMAAD

img_9627

img_9628

img_9631

img_9637

img_9637

img_9639

img_9641

img_9649

img_9653

img_9656

img_9662

img_9663

img_9666

img_9669

img_9671

img_9673

img_9675

img_9677

img_9678

img_9687

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here