Shir ay Hogaan u tahay Dowladda Soomaaliya Oo Saakay Furmaya Garowe

0

Waxaa saakay lagu wadaa in magaalada garowe ee xarunta maamulka puntland in yy ka furmo shir looga hadlayo Qorshaha Qaran ee maamulida mashaariicda ka timaada Midowga Yurub.

Waxa gelinki dnabe ee shaley Magaalada gaaray Garowe wafdi buu hogaaminayay  Wasiir ku xigeenka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya C/laahi Shiikh Cali Qaloocow iyo Wakiilo ka socda beesha caalamka.

SHirkaan diirashada lagu saarayo deeqa uu bixiyo midowga yurub sida ugu haboon ee loo maareyn karo waxaa ka qeyb galay dhamaan wasiirada qorsheynta Maamul goboleedyada ka jiro dalka.

Wasiir ku xigeenka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya C/laahi Shiikh Cali Qaloocow oo warbaahinta kula hadlay garowe ayaa sheegay in shirkaan uu muhim yahay islamarkaana lagu lafa guri doono deeqa Midowga yurub uu siiyo soomaaliya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here