Dhageyso:- Aabbe Muuse “ Waala yaqanaa Ninki Wiilkeyga dilay ee Cadaalada Hala Marsiiyo”

0

Xili shaley gelinki danbe magaalada muqdisho lagu dilay wiil ku shaqeysan jiray Mooto Bajaaj islamarkaana lagu dilay qeybo kamid ah degmada Hodo nee gobolka banaadir ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay aabbaha dhalay wiilka la dilay.

Muuse Xaaji Cumar waa aabbaha  dhalay wiilka la dilay waxana isagoo la hadlayay Idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho waxa uu sheegay in wiilkiisa uu dilay askari ka tirsan ciidamada dowladda soomaaliya.

Aabbaha “ Waxaa xaqiiqo ah cadeymona looo hayaa in wiilkeyga uu dilay askari ka tirsan ciidamada dowladda balse dilka marki uu gyeystay aysan jirin cid soo qabatay” sidaa waxaa yiri aabbe Muuse.

Ciidanka Dowladda ayaa waxa ay xiliyada qaar dilal bareer ah u geystaan dadka shacabka eek u nool magaalada muqdisho iyo deeganada kale ee dalka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here