Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaliya waxaa haatan laga dareemayaa qaban-qabadii ugu dambeysay ee ku aadan furitaanka kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya iyo dhaarinta Xildhibaanada cusub, iyadoo shalay ay baaqatay dhaarintii Xildhibaanada ee lagu waday in ay dhacdo.
Diyaar garowga Furitaanka ayaa ah mid heerkiisu aad u sareeyo, iyadoo la xardhay hoolkii uu ka dhici lahaa kalfadhiga u horeeyay ee Baarlamaanka 10aad, waxaana xaflada lagu dhaarinayo xildhibaanada cusub ka qeyb geli doona Madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada oo ku sugan Magaalada Muqdisho.
Howlka Xarunta Ex School Polizio ee Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir oo sanadkii 2012-kii ay ka dhacday doorashada madaxweynaha ayaa lagu wadaa inay ka dhacdo xaflada dhaarinta Xildhibaanada cusub ee Baarlamanka 10-aad, waxaana halkaas laga dareemayaa qaban qaabo aad u xooggan.
Sidoo kale waxaa xarunta lagu diyaariyay Kutubadii Qur’aanka Kariimka ee lagu dhaarin lahaa Xildhibaanada cusub ee Baarlamanka Federaalka Soomaliya
Amaanka wadooyinka soo gala xarun Ex School Polizio ee Degmada Xamar Jajab ayaa si weyn loo adkeeyay waxaana amaanka iska kaashanaya Ciidamo ka Tirsan Kuwa Dowladda Federaalka Soomaliya Amisom.

