Xili dhawaan Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorahsooyinka ay hakiyeen 11-kursi oo qeyb ka ahaa kuraasti lagu soo doortay deeganada Maamul goboleedyada dalka ka jira.
Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna Cali Baashi ayaa waxa uus heegay xili uu la hadlayay Idaacadda Simba ee magaalada Muqdisho in doorashada dalka sanadkaan ka dahceyso ay tahay mid ku lamaanan Musuq Maasuq badan.
Cali Baashi ayaa waxa uu tilmaamay im xubnaha dhawaan loo diiday kamid ahanshaha Baarlamaanka ay yihiin shaqsiyaad kooban oo aan miisaan badan laheyn balse dadki sida dhabta Musuqmaausqa ugu soo baxay aan waxba laga qaban oo ay Baarlamaanka ku jiraan.
Madaxweyne Ku Xigeenka ayaa sheegay in dadki farta ay ku godneyd oo ay cadeyd in Musuq Maasuq ay ku soo baxeen inaan kuraastooda la taaban islamarkaana guddiyada Doorashooyinka ay yihiin kuwo u shaqeeya Xasan shiikh.
Ahlusuna ayaan kamid aheyn xubnaha soo socda ee dowladda la soo dhisayo.

