Madaxweynaha:-“Musharax Soomaliyeed ayaan Ahay ,Koox Gaar ah Musharax Uma Ihi”,

0

Madaxweynaha Soomaliya Mudane  Xasan Shiikh Maxamuud  oo muuqaal kooban soo dhigay barta uu Facebook-ga ku leeyahay ayaa meesha ka saaray wararka ku aadan in uu musharax  u yahay koox gaar ah, isagoo taasi badalkeeda sheegay In uu umadda Soomaaliyeed musharax u yahay.

“Doorashada 2016 wado dheer ayay soo martay, anigana muddo dheer ayaa inaan musharax ahay ka soo hadlay, maanatana inaan mar kale ku celiyo ayaa rabaa inaan murashax u ahay kursiga madaxweynaha jamhuuriyada, waxaa rabaa inaa ku daro oo aan dadka Soomaaliyeed u cadeeyo, koox gaar ah murashax uma ihi, beel gaar ah murashax uma ihi, deegaan gaar ah iyo dowlad goboleed gaar murashax uma ihi, waxaa murashax u ahay dhamaan Soomaalida Soomaaliya, dalka iyo dibadiisa ku nool ee ku abtirsada Soomaalinimada, intaas ayaa mas’uuliyada shalay u qaaday, afarta sano ee la soo dhaafay u hayay”ayuu yiri Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Sheekh.

Sidoo kale Waxa uu codsaday Madaxweyne Xasan Shiikh maxamuud in mar kale fursad loo siiyo, isagoo mar kale ka dhawaajiyay hal heyskii uu horay ka dhawaajiyay ee ahaa qabyo ninkeeda dhameystira, oo ugala jeeday wixii qabyo ah uu rabo inuu dhameystirayo hadii uu mar kale guuleysto xilka madaxtino ee Soomaliya.

Baryihii ugu dambeeyay waxay dadka Soomaliyeed isla dhaxmarayeen  arinta ku aadan in Madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday ee Xasan Shikh Maxamuud uu yahay musharax matalaya koox gaar ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here