Ciidamada Amisom Oo Gabar Da’yar Ku Dilay Gobolka Hiiraan

0

Ciidamada  Amisom ee qeybta ka ah howlgalka Amisom ayaa maanta gabar da’yar waxa ay ku dileen gudaha degmada jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Askari Ka tirsan Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka Howlgalka Amisom ayaa la sheegay in gabadhaan oo mareysay bartamaha magaalada uu risaas ooda kaga qaaday lamana ogo sababta arintaan ka danebysa.

Maamulka degmada jalalaqsi ayaa sheegay in baaritaan ay ku sameyndoonaan falkaan ka dhacay maanta degmada islamarkaana ay saraakiisha ciidamada jabuuti kala hadli doonaan sida loos oo qabn lahaa askriga falka dilka geystay.

Shaley ayaa ciidamada amisom waxa ay haweeney gaari ku jiirsiiyeen wadada dheer ee xariirisa Isgoyska km4 iyo Garoonka aadan cadde.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here