Cumar C/rashiid Oo Bilaabay Xalinta Khilaaf U dhaxeeya Madaxweynaha Puntland iyo Ku Xigeenkiisa

0

Ra’isul wasaaraha xukumada soomaaliya cumar c/rashiid cali sharmaake ayaa bilaabay dhex dhexaadinta khilaaf u dhaxeeya Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas iyo Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Puntladn Eng camey.

Khilaafka ayaaa sida la sheegay salka ku hayo xubnaha labada aqal ee matelaya gobolada Sool iyo Sanaag oo deegaan ahan uu ka soo jeedo Madaxweynaha Ku xigeenka Puntland Eng Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey.

Camey ayaa dhawaan  muqdisho kaga qeybgalay shirki madasha wadatashiga waxana xiligaa kulanka ka maqnaa madaxweyne gaas, iyadoona gaas hadal dhawaan uu ka jeediyay garowe uu kaga soo horjeestay shirka madasha oo aysan madaxda puntland kala tashan ka qeybgalkooda.

Camey ayaa raadinayaa xaquuqda shacabka deeganada uu matelo iyadoona lagu wado shirka muqdisho ka dhacayo markale ee madasha uu saameyn ku yeesho madama masiirka deeganada uu ka soo jeedo laga wada hadlayo.

Ra’isul wasaare cumar ayaa dadaalo ku bixinaya sida uu qancin laha labada mas’uul ee sida weyn ugu kala aragti fog arimaha gobolada sool iyo sanaag xubnaha kala soo xulayo gar ahan deeganada sida dhabta la isugu hayo xubnahooda aqalka sare.

Ra’isul wasaaraha ayaan weli ku guuleysan xalinta arintaan iyadoona c/weli gaas ay suura gal tahay in dhamaan uu laalo go’aanadi dhawaan madaxweye ku xigeenka puntland iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka puntland ay kuwada gaareen Magaalada Muqdisho.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here