Imaam Khaliif C/laahi Rooble ayaa ku eedeyay ciidamada Amisom in ay mudooyinki danbe caadisteen dhibaateynta shacabka Soomaaliya.
Imaamka ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in ciidamada amisom ay si bareer ah ay xabad iyo gaadiid ugu dilan shacabka soomaaliyeed eek u nool meelaha ay ka arimiyaan.
Imaamka ayaa soo hadal qaaday dhacdadi shaley muqdisho ay ku dileen Haweeney da’aheyd Gadiid ay wateen ciidanka Amisom.
Imaam khaliif ayaa sheegay in ciidamada amisom marka ay falalka dilka geystaan ay isaga baxsadaan goobaha ay ka fuliyaan islamarkaana aysan jirin cid ka qaada magdhow ku aadan dhibaatadi ay geysteen.

