Dhageyso:- Dagaal Ka Bilowday Geel la dhacay una dhaxeeya Ciidamada Jubaland iyo kuwa Al-shabaab

0

Wararka ka imaanaya gobolka jubada hoose ayaa ku waramaya in  dagaal u dhaxeeya ciidamada jubaland iyo kuwa al shabaab uu ka dhacay gobolka jubada hoose.

Saraakiisha Jubaland ayaa sheegay in dagaalka uu bilowday kadib marki Al shabaab ay gobolka ka afduubteen xoolo geel gaarayana 2,000 kun.

Taliyaha Ciidanka Booliska Jubaland Xasan khayre oo la hadlay idaacadda simba ayaa sheegay in dagaalka uu dhacay gelinki danbe ee shaley islamarkaana uu si qaas ah kaga dhacay Deegaanka Cabadalle Biroole oo ku yaala duleedka Magaalada Kismaayo.

Taliyaha booliska ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in dagaalka dhexmaray ciidanka jubaland iyo kuwa Al shabaab qasaare xoogan lagu gaarsiiyay dagaalka ciidamada Al-shabaab islamaraakana ciidamada jubaland ay xoolihi la dhacay dib ugu soo celiyeen dadki xoolo dhaqatada aha ee laga dhacay.

Al shabaab weli ma aysan ka hadlin dagaalka ka dhacay gobolka jubada hoose, mana aysan ka warbixin askarta la sheegay in laga dilay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here