War Deg Deg ah:- Taliye ku Xigeenki Ciidanka Puntland Oo La Dhaawacay

0

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee gobolka bari ayaa ku waramaya in goorhdow magaalada lagu dhaawacay Taliye Ku Xigeenka Ciidamada Booliska Puntland la dhaawacay.

Taliyaha ayaa la sheegay in rag bastoolado ku hubeysan ay ku weerareen gudaha magalada boosaaso islamarkaana taliyaha uu soo gaaray dhaawac culus.

Taliye ku xigeenka ciidanka booliska puntland oo lagu magacaabo Jaamac Saxar-diid ayaa mudooyinki la soo dhaafay waxa uu ku sugnaa magaalada boosaaso ee gobolka bari.

Ragga taliyaha dhaawacay ayaa isaga baxsaday goobta ay falka ka geysteen, waxana goobta mudo kadib soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa amaanka puntland.

Dhaawaca taliyaha ayaa la dhigay isbitaal ku yaala magaalada boosaaso, waxaa jiro werar sheegaya in taliyaha dhaawaca soo gaaray uu yahay mid halis ah.

wixi ku soo kordho la soco.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here