Magaalada Garoowe ee Caasimada Maamulka Puntland waxaa maanta lagu soo gaba-gabeyn doonaa doorashada Xubnaha aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaliya ku matalaya deeganada Maamulkas.
Shalay waxaa Magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland lagu doortay 11-xubnood oo kamid noqonaya Xubnaha aqalka hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaliya ku matalaya deegaanada Maamulkaas.
Ammaanka magaalada Garowe ee Caasimada Maamulka Puntland ayaa saaka si aad ah loo adkeeyay, waxaana ciidamo la geeyay xarunta Guddiga doorashada heer federaal iyo heer maamul goboleedka Puntland.
Sidoo kale waxaa si aad ah loo adkeeyay ammaanka xarumaha ay ka dhacayaan doorashooyinka sida Xarumaha Jaamacadaha Bariga Afrika iyo PSU.
Puntland ayaa noqoneysa maamulkii u dambeeyay ee soo gaba gabeeya doorashada Aqalka Hoose, waxaa horay u soo dhameystiray Maamulada Jubbaland, Koofur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug oo shalay soo gaba gabeeyay.

