Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Dalbaday In La Dalacsiiyo Saraakiisha Maamulkiisa

0

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Mudane Shariif Xasan Shiikh aadan ayaa ka dalbaday Dowladda Dhexe ee Soomaliya in ay dalacsiiso saraakiisha Ciidamada Koonfur galbeed Soomaliya  ee hogaaminaya dagaalka lagula jiro xarakada Al-shabaab ee ku sugan qeybo kamid ah Gobolada Baay iyo Bakool.

Madaxweyne Shariif Xasan Shiikh aadan ayaa si gaar ah ugu codsaday Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud inuu dalacsiin iyo darajooyin isugu daro saraakiisha ciidamada  koonfur Galbeed ee Al-shabaab kula dagaalamay deegaanada maamulkaasi ka taliyo.

“Waxaan rajeynayaa dowlada Dhexe ee Soomaaliyeed oo uu madaxweynaha ugu horeeyo inuu dalacsiiyo ciidamada koonfur Galbeed ee shabaab la dagaalamay, waxaan ka codsaneynaa inuu dalacsiiyo ciidamada sida gaar ah kaga shaqeeyay amniga goobaha doorashooyinka koonfur Galbeed Soomaliya”, ayuu yiri Shariif Xasan.

Ciidamada Dowladd Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa dagaal xoogan kula jira Xarakada Al-shabaab dhowr jeer oo hore waxa ay kula dagaalameen deegaanka Goof-gaduud Shabeelow ee Gobolka Baay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here