Xukuumada Ankara ee dowlada Turky-ga ayaa si weyn u cambaareysay weerarkii shalay ka dhacay Dakedda Magaalada Mogadishu.
Wasiirka arrimaha dibadda dowlada turkiga mevlüt çavuşoğlu ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxii ka dhacay Magaalada Mogadishu oo ay ku dhinteen 22 qofood halka ay ku dhaawacmeen dad kor u dhaafayay 23 qofood.
War qoraal ah uu soo saaray wasiirka arimaha dibadda ee turkiga” ayaa lagu yiri” turkiga weey sii wadi doonaan garab-istaagida walaalahooda Soomaaliya iyo dadaalada ku aadan dhismaha dalka iyo kusoo dabaalida xasilooni waarta iyo arimaha caafimaad ee Soomaaliya.
Waxaa dhanka kale qaraxaasi cambareeyay xogayaha guud ee Qaramada midoobay u qaabilsan arimaha soomaliya michle keating.
Waxaana uu amaanay doorka muhiimka ah ee ciidamada soomaaliya iyo kuwa midowga Africa ay ka cayirayaan gudaha dalka soomaaliya iyo sida ay u ilaalinayaan goobaha doorashada ay ka dhaceyso waxaana uu xusay in magaalada Mogadishu ay daala dhaceyso malaayiin qof isla markaana dhibka ugu weyn iyada uu heysto.
Midowga yurub,dowlada mareykanka,boqortooyada Britain ,Qaramada Midoobay iyo Dowlada turkiga ayaa si isku mid ah u cambaareeyay weerarkii shalay ay ku dhinteen shacab soomaaliyeed oo waxba galabsan.
Qaraxa shalay dhacay ayaa imaanaya kadib markii qarax loo adeegsaday gaari uu ka dhacay duleedka magaalada Mogadishu oo lagu weerararay bar-kontorool oo fariisin u aheyd ciidmada dowlada Federalka Soomaaliya oo mas’uuliyadiisu sheegteen Xarakada Al shabaab.

