Wararka ka imaanaya saakay deegaanka Goofgaduud ee gobolka bay ayaa kuw aramaya in deegaankaasi uu saakay ka bilowday dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada dowlada soomaaliya iyo dhaq dhaqaaqa Al shabaab.
Dagaal oo ah mid xoogan ayaa waxaa jiro warar sheegay in al shabaab ay dhowr jiho ka weerareen deegaanka goofgaduud.
Wariyaha Idaacadda Simba ee gobolka Bay Faysal Dhaayoow ayaa soo sheegaya in dagaalka uu saameyn ku yeeshay saakay dhaq dhaaqi ganacsiga iyo gadiidka ee deegaanka Goofgaduud.
Lama oga qasaaha uu sababay dagaalka saakay ka soconayo deegaanka goofagaduud, waxana weli bartamaha deegaanka laga maqlayaa hub culus oo ay labada dhinac isku adeegsanayaan.
Radio Simba

