Shirka Madasha Oo Maanta Lagu Xalinayo Tabashooyinka Puntland

0

Iyadoo shaley muqdisho uu ka furmay shirka Madasha wadatashiga qaranka ayaa waxaa lagu wadaa in maanta maalinkii labaad uu galo shirka.

Shirka ayaa maanta waxaa si weyn logu gorfeyndoonaa tabashooyin ay puntland ka qabto doorashooyinka hadda soconayo.

Puntland ayaa ku doodeysa in xubnaha ka soo jeedo gobolka sool iyo sidoo kale degmada Buuhoodle in ay mudan yihiin doorashooyinkooda Labada aqal in lagu doorto magaalada Garowe.

Sidoo kale puntland ayaa sheegay in munaasab aysan aheyn in muqdisho lagu qabto doorashooyinki lagu tala galay beelaha dego sool iyo buuhoodle islamarkaana puntland ay xaq u leedahay in ayada ay qabato doorashooyinkaasi.

Madaxweyne ku xigeenka puntland oo muqdisho ku sugan kana qeyb galaya shirka ayaa waxa uu yahay siyaasi ka soo jeedo deeganada ay haatan puntladn u doodeyso in doorashadooda lagu qabto Garowe.

Waxaa jiro warar tilmaamaya in Madaxweyne Xasan sheikh, Ra’isul wasaare Caumar c/rashiid iyo Gudoomiye jawaari ay go’aanka ugu danbeeya ay qaataan si loo soo afjaro muranka taagan.

Puntland waxa ay hakisay doorashooyinki aqalka hoose ee ka soconayay magaalada garowe sababaha ugu badan ee shirka madasha in la qabto soo dedejisay ayaa ah arinkaani.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here