Dhageyso:- Labo Wiil Oo Meel kawada Shaqeynayay Oo Saakay Lagu Dilay Deegaanka Buulo-Mareer

0

Wararka imaanaya deegaanka  Buulo-Mareer  ee Gobolka Shabeelaha hoose ayaa ku waramaya in saakay Qarax Miino ciidamada Amisom lagula eegtay deegaanka Buulo-mareer.

Qaraxa oo ka dhacay Afafka hore ee deegaanka ayaa waxaa uu sameeyay mid kamid ah gaadiidki ay wateen ciidamada Amisom.

Qaraxa kadib ayaa ciidamada  Amisom waxa ay ku dileen goobta uu qaraxa ka dahcay meel aan ka fogeyn Labo wiil oo la sheegay in ay kawada shaqeynayeen Labaajo ku taala deegaanka buulo-mareer.

Qof goob jooge ah ayaa idaacadda simba u sheegay in ciidamada qaraxa kadib ay qabteen labada wiil islamarkaana inta aysan dilan goobta waxa ay ka raacdeeyeen ciidamo ka tirsanaa kuwa dowladda oo goobta qaraxa uu ka dhacay ay u taalay isbaaro, waxana daqiiqado kadib ay toogteen ciiidamada amisom labada wiil ee dhalinyarada aha.

Dhinaca kale Ciidamada Amisom ayaa saacad kadib waxa ay tureen madaafiic waxana la xaqiijiyay in mid kamid ah madaafiicda uu ku dhacay guri ku yaala gudaha deegaanka buulo-mareer.

Madfaca ay tureen ciidamada Amisom ayaa waxa uu dhaawac u geystay Nin odey aha oo lagu magacaabo Shiikh Maxamed, waxana uu ku sugnaa xiligaasi gurigiisa, Dhaawaca maxamed ayaa loo soo qaaday Magaalada Muqdisho.

Lama xaqiijin  qasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ciidamada amisom ka soo gaaray qaraxa saakay lagula eegtay deegaanka buulo-mareer bale ciidamada amisom ayaa caadeystay xiliyada  qaraxyada lala eegto in ay furan risaas aysan u meel dayin.

Ciidamada amisom ayaa horaan dad shacab aha waxa ay ku dileen deegaanka Buulo-mareer ee gobolka sahbeelaha hoose.

Dhageyso Codka

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here