Dhageyso:- Raxan Waraabayaal Oo Dad ku Cunay Degmada Balcad

0

Raxan Waraabayaal ah ayaa waxa ay duulaan ku qaadeen deegaan la yiraahdo Aqal saar oo u dhow degamda balcad ee gobolka shabeelaha dhexe.

Waraabayaaasha weerarka aha ayaa dcumay afar ruux oo sadex kamid ah ay ahaayeen carruur halka qofka kale ay aheyd haweeney kamid ah aheyd dadka deegaanka.

Qof kamid ah dadka deegaanka ayaa idaacadda Simba u sheegay Raxanta waraabayaasha ee weerarka ah ay mudooyinki la soo dhaafay ay dhibaatooyin ay ku hayeen deegaanka Aqal saar oo kud how degmada Balcad.

Qofka goobjooga ah ayaa sidoo kale sheegay in Raxanta waraabayaasha ay gurigooda ku weeraraeen  carruurta  ay cuneen.

Dhinaca kale waraabayaasha ayaa laga reebay dadka qaar oo ay dhaawacyo ah gaarsiiyeen, iyadoona carruurta iyo haweeneyda iyaga oo qaarkood dhaawacyo halis qaba loo soo qaaday isbitaalad aku yaala magaalada muqdisho.

Tirada waraabayaasha ayaa lagu sheegay in ay kabadan yihiin 100 waxana dhamaantood ay weerar ku yihiin dadka xoolo dhaqatada iyo sidoo kale dadka beeraleyda ah eek u nool duleedka degamda Balcad.

Halkaan ka dhageyso codka

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here