Xili shaley magaalada muqdisho ee Caasimada soomaaliya uu ka furmay shirka madasha wada tashiga ee loga hadlayo arrimo quseeyo Doorashooyinka ka soconayo dalka iyo xiliga la qabanayo Doorashada Gudoonka Barlamaanka iyo mida Madaxweynaha.
Shirka oo ay ka qeyb galayaan Madaxda ugu sareyso dowladda uu waqtigeeda idlaaday iyo sidoo kale madaxeynayaasha Maamulada Hirshabeelle,Koonfurgalbeed,Galmudug iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland.
Muuqaalo laga soo duubay shirki shaley lagu qabtay Muqdisho ayaa waxaan ka dhex muuqaan Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Maodobe.
Waxaa jirin sidoo kale wakiilo matelaya Jubaland oo ku sugan goobta uu shirka Madsha wadatashiga ka soconayo.
Ma jiro wax war ah uu maamulka jubaland ka soo saaray shirka muqdisho ka soconayo.
Radio Simba

