Waxaa maanta hakad ku jira Duulimaadyada garoonka aadan Cadde ee magaalada muqdisho.
Waxaa saakay gaabis galay shaqadi guud ee garoonka diyaaradaha gaar ahaan anba bixitaanki duulimaad ee ay sameyn jireen shirkaddaha duulimaad ee gaarka loo leeyahay.
Shirkadaha ayaa ka hor yimid go’aan wasaarada Maaliyada ay wado kaa oo ku aadan in qof ka dhoofaya Garoonka aadan cadde laga qaado lacag dhan $30 iyadoona lacagti hore qofka dhoofaya loga qaadi jiray ay gaareysay $10, waxana haatan lagu daray $10, iyadoona wadarta guud isku noqoneyso $20,waxana shirkaddaha ay sheegeen in macquul arinkaan uusan aheyn hir gelintiisa.
Shirkaddaha shaqo joojinta sameeyay ayaa waxa ay qaarkood ka howlgalaan gudaha dalka iyadoona sidoo kale qeyb arintaan ay ka yihiin shirkaddaha duulimaadyada wadanka dibadiisa ka howlgala.
Lacagahan oo ahaa canshuurta maaliyadda ayaa u soo martay Shirkadda gacanta ku heysa garoonka diyaaradaha ee Favori LLC, waxaana ay ku amartay shirkadaha diyaaradaha ee isugu jira kuwa caalamiga iyo kuwa gudaha inay fuliyaan in rakaab walba laga qaado lacag dhan $30 iyo $20 oo canshuur ah, waxaana lacagtan lagu faray inay ku daraan Ticket-ka diyaarada

