Midowga Yurub Warbixin uu soo saaray ayuu ku sheegay isagoo digniino bixinaya in saddex meelood meel ka mid ah oo lagu qiyaasay 5,000 muwaadiniinta Yurub, kuwaas oo u safray Ciraaq iyo Suuriya in ay ku biiraan argagixisada ay dib ugu soo laabteen wadamadaasi, inta badan in ay weeraro ka fuliyaan.
Warbixinta oo loosoo bandhigi doono wasiirrada arrimaha gudaha ee EU maalinta jimcaha ayaa isu duwaha la-dagaallanka argagixisada gobolka Gilles de Kerchove, uu sheegay in ugu yaraan 1750 argagixisada laga yaabaa in ay kuso noqdeen dalalka Yurub.
Konton-boqolkiiba argagixisada ayaa ku sugan goobaha dagaalka, taas oo ka dhigan inta u dhaxaysa 2000 iyo 2500 Yurubiyaan ah, halka inta u dhaxaysa 15 ilaa 20 boqolkiiba ka mid ah kuwa ee ku biiray argagixisada ay ku dhinteen dagaalada, warbixinta ayaa intaa ku dartay oo Midowga Yurub uu soo saaray.
Dagaalyahanada kooxd Daacish ayaa saameyn badan ku leh Wadamada Yurub iyagoo dhowrihii bil aynu soo dhaafnay weeraro qasaaro badan dhaliyay ka fuliyay wadamo badan oo wali aan kasoo kabsadan qasaaraha gaaray.

