Xiliga ay Dhacayso Doorashada Madaxweynaha iyo Guddoonka Baarlamaanka oo La Isku Afgartay

0

Shirka Madasha Wadatashiga qaran ayaa Galay Maalintii labaad iyadoo madaxda dowladda Soomaliya iyo kuwa Maamul goboleedyada ay si aad ah ugu hadlayaan arrimaha doorashada Soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka.

Ilo ku dhow shirka ayaa ku waramaya in Madaxda dowladda Federaalka  Soomaliya iyo Kuwa Maamul Goboleedyada ay  isku afgarteen  xilliga rasmiga ah ee ay dhaceyso doorashada Madaxweynaha iyo Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaliya.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxda ay isku raaceen in 15-ka bishaan la dhaariyo Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaliya, isla markaana Guddoonka Baarlamaanka la doorto 22-ka bishan.

Sidoo kale doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya  ayaa dhacaysa sida wararka ay sheegayaan 28-ka bishan December, sida Madaxda Madasha iyo Wakiilada Beesha Caalamka isku raaceen.

Ergeyga Qaramada Midoobey Micheal Keating ayaa ku celiyay in doorashada aanay dhaafi karin bishan gudaheed, maadaama shirka Golaha Ammaanka ee dhacaya horaanta bisha Janaayo ee sanadka cusub 2017 laga sugayo inuu warbixin ka jeediyo, sidoo kale waxaa shirkaas khudbad qadka la iska arko (Video Confrence) ka jeedin doona Madaxweynaha cusub ee la doorto.

Dhanka kale Guddiga doorashooyinka dadban iyo Guddiga madaxa banaan ee xalinta khilaafaadka oo warbixin laga dhageystay ayaa sheegay in 25 kiis oo cabashooyin la haayay lagu soo koobay 8 kiis, isla markaana sida ugu dhaqsiyaha badan 8-da kiis ee taagan lagu xalin doono, waxaana ay u badan tahay kuraas qaarkood muran ka dhashay in la diido oo dib loo celiyo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here