Urur aan dowli ahayn oo lagu magacaabo Haki Afrika ayaa ku eedeeyey ciidamada ammaanka Kenya inay fuliyeen tobaneeyo dilal aan sharci ahayn oo ay u geysteen dad la waayey intii u dhaxeysay 2012 illaa 2016.
Warbixin uu soo saaray ururkan oo cinwaan looga dhigay “Maxaan u sheegnaa qoysaska” ayaa faahfaahin ka bixiysay maqnaanshaha 81 qof oo la waayey shanti sano ee lasoo dhaafay.
Tiradan waxaa ku jiray 22 dil oo ka dhashay awood xad dhaaf ah oo ay adeegsadeen ciidamada booliiska, afar dhimasho oo ka dhacay xabsiyo, 31 kiis oo dilal sharci darro ah oo booliiska ay fuliyeen, iyo 24 qof oo la waayey.
Agaasimaha Haki Afrika Hussein Khalid ayaa sheegay in ciidamada la dagaalanka argagixisada ee Kenya ay ku lug leeyihiin kiisaskan uu diiwaan galiyay ururka islamarkaana aysan jirin cid wax qabata.
Ciidamada Kenya oo sidoo kale qeyb ka ah Howlgalka Amisom ayaa lagu eedeeyaa in ay dilal bareer ah ay shacabka u geystaan xiliyad ay weerarada kala kulmaan dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab.

