Raisulwasaare ku-xigeenka Xukuumadda Soomaliya oo Kusoo Baxay Doorashada Aqalka Hoose

0

Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya waxaa maanta ka bilowday Doorashada Xubnaha aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaliya ee ka imaanaya deeganada Maamulka Somaali-land.

Kursigii ugu horeeyay doorashada xubnaha aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ee ka imaanaya deegaanada Maamulka Somali-land waxaa ku guuleysay Raisulwasaara ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaliya Mudane Maxamed Cumar Carte.

Raisulwasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaliya  Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa helay 47-cod halka Axmed Cismaan Ismaaciil oo la tarmayay uu helay 4-cod sidaas ayuu ku guuleystay Carte.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here