Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo booqasho ku jooga Magaalada Kismaayo ee caasimada KMG ee Maamulka Jubba-land ayaa haatan kulan kula leh Magaaladaas Xubnaha labada aqal ee dhawaan la doortay.
Madaxweynaha oo ay wehliyaan Xubno ka Tirsan dowladda Federaalka Soomaliya ayaa xubnaha labada aqal ee ka imaanaya deeganada Maamulka Jubba-land kala hadlaya doorashada Soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka.
Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo xalay ku hoyday magaalada kismaayo ayaa kulan kula qaatay Madaxtooyada Jubba-land Madaxweynaha maamulkaas Axmed Maxamed Islaam Axmed (Madoobe) isagoo kala hadlay sidii uu u saxiixi lahaa liiska Xildhibaanada labada aqal oo uu maalin ka hor shuruud ku xiray in aanu saxiixeyn, iyadoo aan la xalin tabashada Puntland.
Warar soo baxaya ayaa tilmaamaya in Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud uu Xubnaha Labada aqal ee ka imaanaya Maamulka Jubba-land uu kala hadli doono Ololaha musharaxnimadiisa.
Xildhibaanada labada Aqal ee ka imaanaya Jubbaland oo ah 51 Xildhibaan ayaa loolanka ugu adag ay ugu jiraan Musharaxiinta sidii ay codkooda u heli lahaayeen, waxaana marka laga soo tago xubnaha ka imaanaya Koofur Galbeed iyo Xildhibaanada Gobolada Waqooyi ay yihiin maamulka saddexaad ee go’aamin kara natiijada doorashada Madaxweynaha, cododkaasna cida hesha inay xaqiijin karto xilka Madaxweynaha.

