Waxaa Maanta magaalada muqdisho soo gaartay haweeneyda Raisul Wasaare Ku xigeenka ka ah Dalka Sweden Ahna Wasiirka Iskaashiga Iyo Hormarinta iyo wafdi balaaran oo ay hogaamineysay.
Wafdigaan waxaa muqdisho ku soo dhaweeyay Safiirka Soomaliya u Jooga Dalka Sweden iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir.
Wafdigaan ka socday dowladda Sweden ayaa Saakay Booqday Dhowr Xarumood oo kamid Ah Xarumaha Maamulka Gobolka Banaadir.
Wafdigaa ayaa kulamo dhinaca kale la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda soomaaliya iyadoona ay kala hadleen xariirka labada dal.
Wixi Faafaahino Dib kala Soco





