Waxaa maanta magaalada Qardho gaaray wafdi uu hogaaminayo Taliyaha ciidamada booliska Puntland C/qaadir Shire Faarax iyadoona halkaa si diiran logu soo dhaweeyay.
Taliyaha ayaa waxa uu kormeer ku sameeyay xarumaha ciidamada booliska puntland eek u yaalo gobolka puntland ugu magacaban karkaar.
C/qaadir Shire Faarax ayaa kulamo waxa uu la qaatay taliyaha qaybta gobolka karkaar ee puntland Jaqanaf Yuusuf.
Taliyaha ayaa la sheegay in sababaha ugu badan ee uu u gaaray magaalada ay tahay in uu xaliyo cabashooyin ka dhashay Mushaaraadki oo aysna weli ciidamada aysan helin.







