Faafaahin:- Dhaawaca Gudoomiya Jalalaqsi Oo la Gaarsiiyay Degmada Jalalaqsi

0

Waxaa faafaahino dheeraad ay ka soo baxyaaan dhaawac maanta loo geystay gudoomiyaha dgemada jalalaqsi ee gobolka hiiraan.

Warar ay heshay idaacadda simba ayaa sheegay in gudoomiyaha uu soo gaaray dhaawac fudud islamarkaana  la dhigay Xarun caafimaad oo ay ciidamada jabuuti ku leyihiin degmada jalalaqsi.

Dhinaca kale Hal askari ayaa ku dhintay dagaalka labo kalana waa ay ku dhaawacmeen, waxana dhinaca kale jiro qasaare soo gaaray ciidamada al shabaab.

Waxaa gudoomiyaha degmada jalalaqsi uu ku dhaawacmay dagaal xoogan oo saakay ku qabsaday maanta kolonyo gadiid uu la socday wadada xariirisa degmooyinka jalalaqsi iyo magaalada jowhar.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa u xaqiijiyay idaacadda simba in dhaawaca gudoomiyaha lagula tacaalayo degmada jalalaqsi,waxana sidoo kale saraakiisha ay sheegeen in dhaawacyo badan al shabaab ay ka qaateen goobta uu dagaalka ka dhacay.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here