C/laahi Coonka oo ka tirsan Xildhibaanada baarlamaanka waqtigooda idlaaday oo la hadlay idaacadda simba ee Magaalada Muqdisho ayaa ku eedeyay madaxweynaha Maamulka hirshabeelle Cali C/laahi cosoble iyo guddiga Doorahsooyinka Hirshabeelle in ay mas’uul ka yihiin Musuq Maasuq hareeyay doorashada aqalka hoose ee ka socoto Magaalada Jowhar.
Xildhibaanka ayaa waxa uu tilmaamay in aqoon durugsan oo heer kala maareyn doorashooyin aysan laheyn dadka kamid ka ah guddiga doorashooyinka hirshabeelle arintaani ay keentay Musuq Maasuqa ugu badan.
C/laahi Coonka ayaa dhinaca kale sheegay in beelaha qaar ergooyin aysan soo xulan in la xareynayo islamarkaana beelaha qaar oo qilaaf dhexdooda uu ka jiro la gelinayo doorashooyinka.
Ugu danbeynti Xildhibaankaan ka tirsan Baarlamaanka waqtigiisa uu idlaaday ayaa waxa uu sheegay in xildhibaanada dhawaaan lagu doortay Magaalada Johwra ay u badan yihiin kuwo ku soo baxay si Musuq Maasuq ah arintaana ay meel ka dhac ku tahay sharafta dadka dego gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe.

