Taliyaha Qeeybta Booliska Gobolka Hiiraan Isaaq Cali C/lle oo la hadlay idaacadda simba ee Magaalada Muqdisho ayaa wazxa uu beeniyay in ciidamo ka tirsan kuwa booliska soomnaaliya ay ku dhinteen iska hor imaad ka dhacay duleedka Magaalada baladweyne.
Taliyaha ayaa waarar been abuur ah waxa uu ku sheegay war ay baahiyeen warbaahinta gudaha, waxa ayna sheegeen in iska hor imaad ka dhacay duleedka Magaalada baladweyne una dhaxeeyo Kooxo hubeysan iyo ciidamada booliska uu sababay dhimashada labo askari oo ka tirsan ciidamada booliska.
Taliyaha Qeeybta Booliska Gobolka Hiiraan ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in iska hor imaadka ay ku dhinteen kaliyah sadex ruux oo uu sheegay in ay burcad ay ahayeen islamarkana iska hor imaadka uu u dhaxeeyay koox isbaaro u taalay dhexdooda.
Dhana kale taliyaha ayaa tilmaamay in ay xoojindoonaan howlgalada lagula dagaalamayo kooxaha dhigto isbaarooyinka oo xiligaan ciidamada booliska ay ka wadaank Magaalada baladweyne duleedkeeda.
Radio Simba

