Dagaalyahano ka Tirsan Xarakada Al-shabaab ayaa habeenkii xalay ahaa la wareegay deegaanka Haluuqa oo hoos yimaada degmada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.
Boqolaal ka tirsan Ciidamada Al-shabaab oo wata gaadiidka dagaalka ayaa la sheegay in ay gudaha u galeen deegaanka Haluuqa oo hoos yimaada degmada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya inkastoo aysan la kulmin wax iska caabin ah.
Markii ay gudaha u galeen Xarakada Al-shabaab deegaanka Haluuqa ayaa la sheegay in ay gubeen shirkaddii Isgaarsiinta Safaricom ee Gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya, warar hordhac ah waxay sheegayaan in ciidanka Booliska Kenya ay isaga baxeen deegaanka Haluuqa inta aysan gudaha u galin Al-shabaab.
Saraakiil katirsan Ciidamada Xarakada Al Shabaab ayaa goob fagaara ah uga khudbeeyay dadka deegaanka waxayna u sheegeen in dowladda Kenya tahay dowlad duullaan gardarra ah kusoo qaaday dhulalka muslimiinta Soomaalida sidaas darteed ay qof walba oo muslim ah ay la gudboontahay in uu ka qeyb qaato dagaalka Kenya iyo Itoobiya lagula jiro.

