War ay soo saartay dowladda Kenya ayay ku sheegtay in mudooyinkii dambe ay hoos u dhaceen weeraradii Xarakada Al-shabaab ay ka geysan jireen magaalooyinka dalkaas, kadib markii sida ay sheegtay ay isbeddel ku sameysay Taliyayaasha Ciidamada gaar ahaan Booliska dalkaas.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in isbadal lagu sameeyay Taliyayaasha ka howlgala Mandheera ilaa Lamu,waxaa sidoo kale isbadal lagu sameeyay Booliska Nairobi iyo kuwa bartamaha Kenya, mas’uul ka tirsan wasaaradda arrimaha Gudaha Kenya ayaa isbadalkaan ku sheegay mid lagu xaqiijinaayo amaanka dalkaas.
Mas’uulka u hadlay wasaaraddda arrimaha gudaha Kenya waxa uu sheegay in isbeddelkaas uu sababay in ay hoos u dhacaan weerarrada islamarkaana la fashiliyay weerarro ay Al-shabaab qorsheeyeen fulintooda, wuxuu tusaale u soo qaatay weerar Sabtigii ay ku dileen 4 ka mid ah Al-shabaab oo qorsheynayay weerarro ay ku qaadaan Saldhigga Booliska Ceel-Waaq Kenya oo ay yaallaan Hub iyo Gaadiid farabadan.
Tan iyo sanadkii 2011-kii markii Ciidamada Kenya ay soo galeen gudaha Soomaliya waxa jirey weeraro qorshaysan oo geystay qasaaro dhimasho iyo dhaawac oo dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ay ku qaadeen magaalooyinka dalkaas.

