Nin Loogu Shakiyay Xarakada Al-shabaab oo Lagu Xiray Dalka Uganda +Magaciisa

0

Ciidamada amaanka dalka Uganda ayaa xabsiga dhigay Muwaadin Soomaliyeed oo loogu shakiyay in uu xiriir la leeyahay dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab oo Soomaliya ka dagaalama.

Howlgal qorshaysan oo ka dhacay deegaanka Busia oo ah xuduudka u dhaxeeya wadamada Kenya iyo Uganda ayaa la sheegay in lagu qabtay Mohamed Abdi Ali oo laamaha amaanka dalkaas ay sheegeen in uu xiriir dhow la leeyahay Xarakada Al-shabaab.

Taliyaha Booliska deegnkaas Nelson Nahabwe ayaa sheegay in tuhumaha uu  ka yimid dhanka Kenya uuna doonayay in uu tago dalka Uganda, kadibna ugu sii gudbo wadanka koonfur afrika,  Nelson Nahabwe ayaa hadalkiisa ku  daray in baaritaano kale oo dheeri ah  lagu sameyn doono shaqsigaan dhawaana lasoo bandhigi doono.

Dowladda Uganda oo Ciidamo badan ay ka joogaan Soomaliya ayaa dhowr jeer oo hore xabsiga dhigtay dad loogu shakiyay in ay xiriir la leeyihiin Xarakada Al-shabaab, qaarna xukuno ayaa lagu riday.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here