Madaxda Dowladda oo Lagu Eedeeyay In Mar Hore  Ay Qorsheeyeen Dib U Dhaca Doorashada+Dhageyso

0

Guddoomiyihii hore ee maxkamadda sarre Avv. Ceydiid Cabdulaahi Ilka-Xanaf oo la hadlay idaacadda simba ayaa ku eedeeyay madaxda dowladda Federaalka Soomaliya in ay mar hore qorsheeyeen in ay dib u dhacdo doorashada Soomaliya ka dhacaysa Sanadkaan 2016-ka.

Avv. Ceydiid Cabdulaahi Ilka-Xanaf ayaa sheegay in dhowr jeer oo hore ay dib u dhacday doorashada Soomaliya tanina ay tahay mid kutala gal ah lana doonayo in la jahwareeriyo Shacabka Soomaliyeed islamarkaana ay jirto isdaba marin.

“Doorasho waa doorasho, Doorashada Soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka iyo doorashadii dhacday sanadkii 2012-kii wax farqi ah oo u dhaxeeya ma jiro, tii 2012-kii ayaa ka dhib badneed tani oo waxaa sidoo kale jirey ansixinta dastuurka tani waa doorasho oo kaliyah, madaxda dowladda Soomaliya ayaa horey u qorsheesay in dib loo dhigo wax cusub ma ahan dib u dhacyada ku imaanaya doorashada”, ayuu yiri Avv. Ceydiid Cabdulaahi Ilka-Xanaf.

Ugu Dambeyntii Guddoomiyihii hore ee maxkamadda sarre Avv. Ceydiid Cabdulaahi Ilka-Xanaf ayaa ugu baaqay dhamaan umadda Soomaliyeed siyaasiyiin iyo shacabka In ay ka shaqeeyaan sidii doorashada u dhici laheyd, lagana fogaado waxkastoo keeni kara isku dhac.

Dhowr jeer oo hore waxaa dib u dhacay doorashada Soomaliya ka dhaci laheyd 2016-ka, maalinta Arbacada oo Taariikhda ay ku beegan tahay 24/11/2016 ayaa lagu wadaa in la doorto gudoomiya baarlamanka Soomaliya Federaalka Soomaliya balse ma muuqato ifaalo muuijnaya doorahada Gudoomiyaha baarlamanka Soomaliya iyadoo aan lasoo dhameystirin Xildhibaanada Aqalka Hoose.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here