Dowladda Danmarka oo kamid ah dawladaha ciidamadeedu ay ku sugnaayeen in mudo ah xeebaha Somalia ayaa sheegtay in ay joojisay hawlgalka ka dhanka ah burcad badeeda Soomalida oo ay kawadey xeebaha Somalia iyo biyaha ka baxsan.
Dhowr markab oo nuuca dagaalka ah oo Denmark ay usoo dirtay xeebaha Somalia ayaa hawgalka NATO waxaa ay ka taageeri jireen ka hortaga weerarada qorshaysan ee Burcad badeeda Soomalida.
Sargaal ka tirsan Dowladda Danmarka oo warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay in uu ku faraxsan yahay in door muhiim ah ay kasoo qaateen howlgalada lagula dagaalamayo kooxaha bucad badeeda Somalida.
Ugu dambeyntii Ciidamada Badda ee dawlada Denmarka ayaa qayb ka ahaa howlgalka ka dhanka ah Burcad Badeeda 9 Sano ee ugu dambaysay waxaana ay ku soo xireen ila iyo 295 Ruux oo Soomaali ah kuwaasi oo lagu eedeeyay burcad badeednimo.

