Wararkii Ugu Dambeeyay Doorashada Xubnaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaliya

0
An electoral official tallies the votes during the electoral process to choose members of the Lower House of the Federal Parliament in Kismaayo, Somalia on November 15, 2016. UN Photo / Awil Abukar

Magaalooyinka Kismaayo,Cadaado, jowhar, Baydhabo,waxaa  dib ugu bilowday doorashada xubnaha aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaliya ku matalaya deeganada Maamulkaas.

Magaalada Jowhar ee Caasimada Maamulka Hir-shabeelle waxaa lagu doortay xubnaha kala Wasiirka ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Dederaalka Soomaliya C/laahi Colaad Rooble iyo Samiiro Xasan Cabdule.

Magaalada Cadaado ee Caasimada KMG ee Maamulka Galmudug waxaa maanta  lagu doortay C/weli Maxamed Qanyare Afrax, C/kariin Khaliif Cabdi (Dhalac) iyo Warsame Maxamed Xasan (Joodax).

Magaalada Baydhabo ee Caasimada KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya  waxaa lagu doortay labo xubnood oo kala ah Saalim Caliyow Ibrow iyo Cali Shiikh Maxamed.

Dhanka kale magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ee Jubba-land waxaa lagu doortay Cali Cismaan Xirsi(Cali Jowhar)

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here