Madaxweynaha Maamulka Puntland oo Kulan Laqaatay Guddiga Abaaraha Puntland

0

Madaxweynaha  Puntland Dr. CabdiweIi Maxamed Cali Gaas ayaa manta 22 November 2016 kulan la qaatay qaar kamid ah  gudiga abaaraha ee goloyaasha Dawllada Puntland.

Kulankan uu Madaxweynuhu laqaatay gidiga abaaraha ayaa waxaa ku wehelinayey Madaxweyne ku xigeenka Dawllada Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey iyo Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi.

Madaxweynaha  Puntland ayaa kala hadlay gudiga sida abaarta baahsan ee ka jirta Puntland wax looga qaban lahaa iyo sidii Puntland uga qayb qaadan lahayd gurmadka loo fidinaayo dadka ay saameeyeen abaarahu.

Madaxweynaha Dawllada Puntland Dr. CabdiweIi Maxamed Cali Gaas oo kulanka si xeeldheer uga hadalay ayaa ugu horayn ka warbixiyey abaarta baahsan ee ka jirta Puntland, isla mar ahaantaana intaasi ku daray in ka ahaan ay diyaar u yihiin inay ka qayb galayaan gurmadka loo fidinaayo dadka abaaruhu saameeyeen, sidoo kale sheegay in loo baahan yahay qorshe sidii looga hawl geli lahaa xaalada abaaraha ee ka jirta Puntland.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dawllada Puntland ayaa sheegay in ay hore ugu gudbiyeen baaq beesha caalamka iyo cidkasta oo gacan ka gaysan karta gurmadka loo fidinaayo dad ka ay abaartu saamaysay.

Ugu danbeyn  Madaxweynaha  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa umadda Soomaaliyeed gaar ahaan umadda Puntland u rajeeyey in ilaahay uu ka saaro abaaraha iyo colaadaha uguna bedelo raxmaddiisa iyo naxariistiisa.

img_0792 img_0812 jjjjjjjj

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here