Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa soo dhaweeysay Heshiiskii ay shalay wada Gaareen Maamulada Puntland iyo Galmudug ee lagu xalinaayo Colaada dhawaanahaan ka taagneed Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.
Kulan ka dhacay Magaalada Abu Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ayna ka qeyb galeen Madaxweynayaasha Jubba-land, koonfur Galbeed Soomaliya, Hir-shabeelle iyo madax ka tirsan dowladda Soomaliya ayaa si weyn loogu hadlay Colaada Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug iyagoo sidoo kale ugu baaqay C/kariin Xuseen Guulleed iyo C/wali Maxamed Cali Gaas in ay heshiis ka gaaraan Colaada Magaalada Gaalkacyo ka taagneed mudooyinkii dambe.
Dowladda Imaaraadka Carabta oo Soomaliya garab taagneed tan iyo burburkii ayaa sidoo kale ugu baaqday Madaxda Maamulada Puntland iyo Galmudug in ay u turaan dadka maatida ah ee ka barakacay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.
Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa heshiis hordhac ku gaaray magaalada Abu Dubai iyadoo heshiiskaasna ay goobjoog ka ahaayeen madaxda maamul goboleedyada kale ee dalka.
Qodobada labada maamul ay ku heshiiyeen ayaa waxaa ka mid ah in xabada la joojiyo,dadka ku barakacay dagaalka Gaalkacyo dib loo soo celiyo iyo in wadahadal ay 20ka bishan isugu yimaadaan magaalada Kismaayo.

