Madaxweynaha:-Waxaa Naga Go’an Ka Dowlad Ahaan in aan Difaacno Suxufiyiinta Soomaaliyeed

0

Madaxweynaha Dowlada Federalka Soomaaliya Mudane Hassan Sheikh Mahamud oo kulan la qaatay madaxda Saxaafada Soomaaliyeed  ayaa Hambalyo u diray dhamaan Suxufiinta shaqada adag u haya bulshada Soomaaliyeed oo uu sheegay in nafsadooda ay huraan sidii bulshada loo gaarsiin lahaa warar iyo warbixino sax ah oo ka turjumaya baahida dalka iyo dadka Soomaaliyeed xili maanta ay ku beegan tahay maalinta Saxaafada 2-November

Madaxeynaha ayaa xusay in muhiim ay tahay in la soo afjaro tacadiyada ay la kulmaan Wariyaasha Soomaliyeed wuxuu sidoo kale sheegay  in dowladiisu ay samata bixisay mudadii ay jirtay Saxaafada Soomaliyeed waxuuna ugu baaqay in dadaalkooda iyo nafhuridooda in ay horay u sii wadaan.

Xarunta madaxdooyada villa Somalia ayaa xalay waxaa lagu qabtay xaflad lagu martiqaaday madaxda warbaahinada dalka oo lagu maamuusayo maalinta Saxaafada dunida 2-November, iyadoo  madaxdii ka qeyb gashay madaxweynaha uu ka dhageystay qudbadoohda iyo dhamaan baahidooda warbaahineed ee iminka dalka ka jirta.

Qaramada Midoobay ayaa maanta  oo kale 2-November waxa ay u asteesay in loo aqoonsado maalinta saxaafda aduunka si loo afjaro tacadiyada kala duwan ay lukulmaan Saxaafada Soomaaiya iyo tan dunida ka howlgashada.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here