Guddiga Doorashada Puntland oo Kasoo Horjestay Amar Kasoo Guddiga Xalinta khilaafaadka +Sawirro

0

Xili shalay Guddiga xalinta khilaafaadka Maamulka Puntland ay shaaciyeen in la joojiyey doorashada xildhibaanada aqalka hoose dowlad Goboleed puntland  ee illaa shan beelood ayaa arintaan waxaa waxba kama jiraan ku tilmaamay Guddiga doorashada dadban ee Federaalka iyo kan heer Puntland oo xalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe.

Guddoomiyaha Guddiga heer Puntland ee xalinta Khilaafaadka Xaaji Abuukar Cismaan Cabdi ayaa shalay Magaalada Garoowe ee Caasimada Maamulka Puntland ka sheegay inay soo gaareen Dacwado badan oo lidi ku ah ergooyin shalay ay ku dhawaaqeen guddiga doorashooyinka heer Puntland.

Afhayeenka guud ee Guddiga doorashooyinka dadban ee heer Federaal Maxamed Keynaan iyo Gudoomiyaha Guddiga Doorashada ee Heer Puntland Khaliif Aw-Cali ayaa si wadajir ah u sheegay  xalay in dhawaan la dooran doono Xildhibaanada aqalka hoose u matalaya beelaha Soomaaliyeed, isla markaana aysan waxba ka jirin go’aankii ay sheegeen Guddiga Xalinta Khilaafaadka.

daaqa daaqa1 daaqa2 daaqa3

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here