Puntland oo Ciidamo Dheeraad ah u Dirtay Degmada Qandala oo ay Gacanta ku Hayaan Daacish-ta Soomaliya

0

Maamul Goboleedka Puntland ayaa Ciidamo dheeraad ah u direy degmada Qandala ee Gobolka Bari oo  wali ay ku sugan yihiin dagaalyahano ka tirsan kooxda Daacish-ta Soomaliya oo todobaadka hore la wareegtay.

Wararka halkaas ka imaanaya ayaa ku waramaya in saacadihii aynu soo dhaafnay Ciidamada difaaca Maamulka Puntland oo wata gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan in ay gaareen meelo ku dhow degmada Qandala ee Gobolka Bari.

Hawada degmada Qandala ee Gobolka Bari waxaa xalay lagu arkayay diyaarado dagaal oo ilaa haatan aan la ogeyn halka laga leeyahay, sidoo kalena  maraakiib shisheeye ayaa la sheegay in ay ku soo dhawaadeen Xeebta Degmadaasi.

Saciid Maxamed Waaberi, Gudoomiyihii hore ee Degmada Qandala ee Gobolka Bari, haatana ah xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyada ee Maamulka puntland ayaa warbaahinta u sheegay  in diyaarado dagaal   hawada degamadaas ay ku dul wareeganayaam sidoo kalena  maraakiib shisheeye ay ku soo dhawaadeen Xeebta Degmadaasi.

Inkastoo dadkii ku nolaa degmada Qandala ee Gobolka Bari ay ka barakaceen hadana waxaa laga cabsi qabaa in diyaaradaha iyo maraakiibta shisheeye ay duqeeyeen degmadaas madaama ay ku sugan yihiin dagaalyahano ka tirsan kooxda Daacish-ta Soomaliya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here