Dowlada Kenya ayaa Xiligaan Wada qorshe ay ku doonayso in Darbiga ay dhiseyso ay ku mariso Xaafadda Dhabad oo kamid ah Xaafadaha Degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo ee koonfurta dalka Soomaliya.
Nabadoon Idiris aadan Nuur oo kamid ah waxgaradka Degmada baladxaawo ee Gobolka Gedo oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Kenya ay xiligaan ku howlan tahay in dhismaha darbiga ay ka dhisayso xaduuda in ay ku mariyo Xaafadda Dhabad oo kamid ah Xaafadaha Degmada baladxaawo.
Nabadoonka ayaa ugu baaqay dowladda Dhexe ee Soomaliya in ay arintaan soo faragaliyo islarmarkaana ay ka hor istaagto dowladda Kenya darbariga ay dhisayo in ay ku mariso Xaafadda Dhabad.
Dawlada Kenya ayaa sheegtay in si deg deg ah ay ku dhisayso darbi ay ka dhisayso xuduuda Somalia Kenya ay wadaagaan.
Gudoomiyaha mgaalada Mandera ee Gobolka Woqooyi bari ee dalka kenya Fredrick Shisia ayaa shaaciyay in dhismaha darbiga u dhexeeya Somalia iyo Kenya dib loo soo celiyay kadib in mudo ah oo uu hakad ku jiray.
Degaanada Fino, Omar Jillow iyo Arabia oo dowladda Kenya ay tilmaamay in si joogto ah ay weeraro uga soo qaadaan Xarakada Al shabaab ayay sheegtay in laga dhisayo darbadiga, islamarkaana dhawaan lasoo gaba-gabeyn doono.

