Guddiga Arrimaha Dibada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka soo horjeestay go’aankii dhawaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibada Xukuumadda Soomaliya ee ku aadanaa in la xiro Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay Wadanka Yemen.
Pro Maxamed Cumar Dalxa oo ah Gudoomiye ku-xigeenka Guddiga Arrimaha Dibada ee Baarlamanka Soomaliya oo la hadlay idaacadda simba ayaa sheegay in ay tahay wax aan la aqbali Karin hadii uu jiro go’aanka kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibada Xukuumadda Soomaliya ee lagu xirayo Safaaradda Soomaliya ay ku laheyd Magaalada Sanca ee dalka Yemen.
Xildhibaan dalxa ayaa sheegay in uusan arkin guddiga arrimaha Dibada baarlamanka Soomaliya warqad cadeynaysa in la xiro safaaradda Soomaliya ee dalka Yemen, balse hadii ay jirto arintaas ay dhibaato ku noqon doonto dadka Soomaliyeed ee halkaas ku nool.
Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa amar ku bixisay in la xiro Safaaradda Soomaliya ee dalka Yemen kadib markii ay sheegtay in ay gacanta ku hayaan goobta ay ku taala Safaaradda kooxaha Xuutiyiinta ee ka dagaalama dalkaas.
Qunsulka Safaaradda Soomaliya ee dalka Yemen ahna sii haya xilka Safiirka Soomaliya ee dalkaas Mudane Cusmaan Axmed Maxamed oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in amar kasoo baxay Wasaaraadda Arrimaha Dibada ee Xukuumadda Soomaliya in lagu xirey Safaaradii Soomaliya ee dalkaas.

