Dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab oo todobaadkii aynu soo dhaafnay la wareegay degmada Tiyeglow ee Gobolka Bakool ayaa lagu eedeeyay in ay halkaas ku gowraceen shan ruux oo ay ku eedeen in ay la shaqeynayaan Ciidamada Dowladda Soomaliya iyo kuwa Ethopia oo dhawaan degmadaas ka baxay.
Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Tiyeglow ee Gobolka Bakool ayaa sheegay in markii ay la wareegeen Al-shabaab degmadaas ay xabsiga ay dhigeen 5-ruux oo shacab ahaa balse maalin kadib meydadkooda oo is badalay lagu arkay duleedyada degmadaas.
Waxa ay ku eedeeyeen Mas’uuliyiintaan maamlada dowladda Soomaliya iyo kan koonfur Galbeed Soomaliya in ay iska indha tireen difaacida shacabka degmada Tiyeglow ee Gobolka Bakool islamarkaana hadii aan wax laga qabanin arintaan ay keeni karto in Al-shabaab ay xasuuqaan dhamaanba shacabka degmadaas ku nool.
Al Shabaab, ayaa 26-kii bishaan bilaa dagaal kula wareegay gacan ku haynta Degmada Tiyeeglow ee Gobolka Bakool , ka dib markii ay isaga baxeen Ciidamada Militariga Itoobiya ee qaybta ka ah Amisom iyo kuwa Ciidamada Dowladda Somaliya, iskastoo ay ku sugan yihiin duleedka degmadaas.

