Haween iyo gabdho ku jira dhowr xeryo barakcayaal ah oo ku yaala magaalada Maiduguri ayaa la sheegay in ay xad gudubyo dhinaca galmada ah ay kula kaceen ciidamo katirsan kuwa dawlada Nigeria,sida ay sheegtay hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch.
Hay’adda ayaa sheegtay in ay la hadashay 43 haween dhibanayaal ah oo sheegay in ay kufsadeen ciidamada iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Boko Haram oo dalkaas ka dagaalanta.
Haweenkaan ayaa horay uga barakeceen colaada ka jirta dalkaas,waxaana ay ku noolyihiin xeryo barakacayaal oo ku yaala magaalada Maiduguri,qaarkoodna waxa ay wataan ilmo agoon ah,

