Booliska magaalada Mandeera ee Gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya ayaa xiray in ka badan 3 qof oo lalaxiriirinayo weerarkii usbiicii lasoo dhaafay lagu qaaday Hotel ku yaala Mandera kaas oo lagu dilay 12 qof.
Gudoomiyaha Magaalada mandera ee Gobolka Woqooyi bari ee dalka Fredrick Shisia ayaa lsheegay in dhamaantood ay yihiin dadka degaanka ah balse ma uusan sheegin aqoonsiyadooda.
Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in Dadkaan ay gacanta kusoo dhigeen kadib markii ay dabagal ku sameeyeen islamarkaana ay heleen xog laxiriirtay in ay doorku lahaayeen werarkii ugu dambeeyay ee magaaladaas ka dhacay usbuucii lasoo dhaafay.
Tirada dadka loo xiray weerarkaas ayaa gaaraysa illaa iyo haatan 5 qof horay ayaa waxaa ay boolisku u xireen mid ka mid ah mas’uuliyiinta hotelka weerarka lagu qaaday,waxaana la sheegay in uu booliska kala shaqayn doono baaritaankooda.

