Guddiga Doorashadda dadban ee heer dowlad Goboleed Puntland ayaa ku dhawaaqay xiliga ay bilaabanayso codbixinta xubnaha aqalka hoose ee barlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ka imaanaya deeganada maamulkaas.
Guddoomiyaha Guddiga doorashadda Khaliif Aw-cali oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ayaa sheegay in 5-ta bishaan oo ku beegan maalinta Sabtida in ay dhici doonto codbixinta xubnaha aqalka hoose ee barlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ka imaanaya deeganada maamulkaas.
Khaliif Aw-cali ayaa sidoo kale sheegay in Sideed Beelood oo soo gudbiyeen Ergada dooranaysa 12 Xildhibaan oo ka mid ah 39 Xildhibaan oo laga soo dooran doono Degaamadda Puntland. Waxaa kaloo uu ka hadlay dib- u dhaca ku yimid waqtigii loo ballamay inay doorashaddu dhacdo oo uu sheegay inay sabab u ahayd qoondada Haweenka ee Ergooyinka oo beeluhu sidii laga doonayay aysan u fulin, balse hadda la xaliyay oo ay ka gudbeen.
Sidoo kale Guddoomiyaha Guddiga doorashadda Khaliif Aw-cali ayaa sheeegay in dhamaan la dhameytiray waxyaalihii loogu talagalay in lagu wajaho codbixinta xubnaha aqalka hoose ee barlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ka imaanaya deeganada maamulkaas.
Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda Magaalooyinka dowlad Goboleedyada dalka jira sida, koonfur Galbeed Soomaliya, Galmudug, Jubba-land, Hir-shabeelle in ay ka bilowdaan codbixinta xubnaha aqalka hoose ee barlamaanka Federaalka Soomaaliya

